Nagu Sabsan2019-06-27T11:40:39+00:00

Hordhac

Shirkadaha Ganacsiga (GL Markets) waa shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay. Waxaa  aasaasay kooxo ka mid ah ganacsatada Soomaaliya, ka dib markii ay qiimeeyeen oo ay dareemeen kala go ‘la’aanta ganacsiga iyo maareynta maalgashiga Adeegyada Soomaaliya iyada oo xooga la saarayo: Maareynta Maaliyadda iyo Maal-gashiga.

Intii lagu jiray colaadihii dheeraa ee Soomaaliya, badi kaabayaashii dhaqaale ee ganacsiga iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka ah ayaa la burburiyay ama burburay. Marka laga reebo ganacsiga yaryar ee aan rasmiga ahayn,

Bur burkii dalka kadib, maanta, Soomaaliya waxay ubaahan tahay shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha adeega sida GL Markets kuwaas oo daboolaya fududeynta  Macluunaadka saxda ah ee uu Maalgashi iyo ganacsiba u baahanayahay.

Natiijooyinka kama dambaysta ah ee GL Markets ma aha oo kaliya raadinta faa’iidada, laakiin sidoo kale waxay diiradda saari doontaa shaqo u abuuritaanka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nugul, taasina waxay kor u qaadaysaa maareynta hantida ee dalka iyada oo gacan ka heleysa bulshada Soomaaliyeed, dawladda iyo wada-hawlgalayaasha ganacsiga.

GL Markets waa shirkadii ugu horreysay Soomaaliya ee  bixisa habka ugu wanaagsan ee lagu heli karo lacag iyo guul dhaqaale iyada oo loo marayo fursado maalgashi oo kala duwan.

Guud Mar

GL Markets waa shirkad ay leeyihin dhaqaalayahano soomaliyeed oo bixisa adeegyada ganacsi iyo la talinta dhaqaale oo la aasaasay 2017kii, markii ay xaqiiqsadeen baahida loo qabo iyo kala fogaashaha ganacsiga casriga ah iyo marxalada uu marayo ganacsiga wadanka gaar ahaan maalagashiga iyo maamulka hantida.

GL Markets waxa loo asaasay inay ka haqab tirto bulshada soomaaliyeed adeegyada maalagashiga dhaqaale, waxaana aasaasay khubaro dhanka dhaqaalaha, bangiyada iyo maalgashiga ganacsi, kuwaas oo kaso kalashaqeeyay shirkado iyo bangiyo can ah. Iyado khibrada hawlwadeenada  la adeegsanayo GL Markets waxay samaynaysaa abuur fursad koror dhaqaale

GL Markets waxay xooga saaraysaa maalgashi ku qotoma hal-abuurimo taas oo xooga saaraysa maamulida iyo la talinta maalgashi ganacsiga iyo dhaqaalaha, si loo gaaro kororsiimo dhan 30% saami walba, GL Markets macmiilka waxaay siinaaysaa xogta uu u baahanyahay iyo caawin farsamo ee maalgashigiisa.